Sign in to follow this  
Deeq A.

Ganacsade caana oo xabsi iyo lacag badan lagu xukumay

Recommended Posts

Deeq A.   
20200830_192607.jpg?resize=720%2C350&ssl

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta oo Axad ah xukun xabsi iyo ganaax isugu jira ku riday ganacsade caan ka ahaa magaalada Muqdisho.

Cabdullaahi Axmed Maxamed (Xaaji Gaabow) oo lagu eedeeyay inuu sameystay shirkad aan dalka ka diiwaan gashanayn oo lagu magacaabo Gaabow General Company, oo la sheegay inay u shaqeynaysay sidii bangigii ayaa lagu xukumay 3 sano oo xasbi ah iyo ganaax lacageed oo dhan $920,000.

Sidoo kale maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta xorriyadii dib ugu celisay Ayuub Sheekh Maxamed Amiin, kaas oo xeer ilaalinta ku eedeysay inuu lahaa shirkad sameysay buugaag qaansheegasho oo la sheegay inay isticmaalayeen mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda caafimaadka Soomaaliya oo la xakumay.

Labada xukun ee maxkmadda gobolka Banaadir maanta riday ayaa labada dhinac ee dacwadu u dhaxaysay waxaa u furan inay qaataan racfaan, muddada uu sharcigu u oggolyahay.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa muddooyimkii dambe xukuno ku ridaysay mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradaha dowladda iyo ganacsato, kuwaas oo lagu eedeeyay musuqmaasuq.

PUNTLAND POST

The post Ganacsade caana oo xabsi iyo lacag badan lagu xukumay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this