Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaal Ka Tirsanaa Al-Shabaab Ah Oo Hab Farsamo Ah Ku Galay Mareykanka Oo Loo Soo Mustaafuriyey Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxamed Cabdiraxmaan Cusmaan oo ah sarkaal ka tirsan ururka Al-Shabaab oo iska dhigay qaxooti ayaa toddobaadkii tegay lagu xukumay dalka Mareykanka, kadib markii uu qirtay laba dambi oo ah inuu been ku dhaartay.

Maxamed oo loo yaqaan Mustafe Aadan Caraale, islamrkaana ah 29 jir, ayaa laba sanno xabsi ku jiray, waxaana lagu riday xukun u dhigma muddadii uu xabsiga ku qaatay, taasi oo macnaheedu yahay inaanu dib ugu laabaneyn xabsiga.

Sida ay sheegtay Wasaaradda Cadaaladda Mareykanka, Maxamed ayaa markii uu codsiga qaxooti dhiibanayey waxa uu Hay’adda Socdaalka iyo Muwaadannimada Mareykanka ee USCIS ka qariyey inuu leeyahay magac labaad, iyo inuu ka tirsanaa Al-Shabaab.

Maxamed ayaa qirtay inuu ogaa in haddii uu magaciisa saxda ah sheego loo diidi lahaa inuu galo Mareykanka.

Sida ku cad dacwadda lagu soo oogay, wuxuu sarkaal ka tirsan Waaxda Socdaalka oo ku sugan magaalada Tucson ee gobolka Arizona u sheegay in lagu dhaawacay weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, bishii June ee 2010.

Si kastaba, mas’uuliyiinta ayaa ogaaday in dhaawaca uu qabay uu ka dhashay markii ay ku qarxeen walxo qarxa oo gacmaha kula jiray, sannadii 2009.

Sababa la xidhiidha dambiga lagu helay, kiiska qaxootinimo ee Maxamed ayaa la laalay, waxaana lasoo saaray amar dhigaya in loo soo mustaafuriyo Soomaaliya.

28-kii August 2020, Maxamed ayaa diyaarad laga soo saaray Arizona, loona soo celiyey Soomaaliya. Waxaa laga mamnuucay inuu mar kale kusoo laabto Mareykanka, isaga oo aan haysan sharciyadda ku haboon.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this