Sign in to follow this  
Deeq A.

Saaxiibada Guddoomiyihii Hore Kooxda Elman Ayaa Soo Dhaweeyay Ka Mid Noqoshada Musharaxiinta Xiriirka Kubbaddda Cagta

Recommended Posts

Deeq A.   

Bishii April 2020 waxaa shaqada maamulka kooxda Elman ka tagay Cabdirisaaq Faarax Cumar (Garooje) oo ahaa guddoomiyihii hore naadiga waxaana bilooyinkii la soo dhaafay soo baxay warar sheegaya in guddoomiyaha uu doonayo in sanadaha soo aadan uu jagooyinka kala duwan ka qabto Xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya,iyagoo ku taageeray howshan.

Sequence-18.00_00_00_01.Still003-1-1024x

Intiii uu maamulay guddoomiye Garooje Elman waxaa lagu xasuustaa horomarka uu kooxda gaarsiiyay waxay sidoo kale Elman kaalin wanaagsan ka qaadatay horomarka kubbadda cagta,iyadoo 2019 loo aqoonsaday kooxda ugu wanaagsan kubbadda cagta ee (Abaal-marinta SFF Award).

Sequence-19.00_00_33_10.Still003-1024x76

Cabdirisaaq Faarax ayaa ka mid ahaa xidigihii hore kooxaha Horsheed iyo Madbacada Qaranka wuxuuna in mudo ah ku noolaa Wadanka UK ,balse falanaqeeyaasha ciyaaraha ayaa sheegaya in horomarkii uu Elman gaarsiiyay mid la mid ah uu ku biirin kar xafiisyada kala duwan ee Xiriirka.

Sequence-18.00_00_00_01.Still003-1024x76

Ibraahim Cabdimajiid Xaaji Axmed oo wax badan ka yaqaano Cabdirisaaq Farax Cumar (Garooje) ayaa sheegay in Garooje uu u qalmo qabashada jagooyinka kala duwan ee Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya, uuna ka soo bixi karo hadii uu xil ka qabto.

Sequence-19.00_00_56_22.Still001-1024x76

Mudo xilkeeda madaxda iminka hogaaminaysa Xiriirka ayaa ku eg November 2022 waxaana iminka soo badanaya shaqsiyaad kala duwan oo danayo in ay badalan mas’uuliyeenta waqtiga ka sii dhamaanayo.Sequence-19.00_00_56_22.Still002-1024x76

Daawo Warbixin Ku Saabsan Olalaha Guddoomiyihii Hore Kooxda Elman

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this