Sign in to follow this  
Deeq A.

A/Madoobe iyo Siciid Deni oo ku soo wajahan magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland ayaa saacadaha soo socda ku soo wajahan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Labada hoggaamiye ayaa wada-hadallo gaar ah la yeelan doono madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa la sheegay inuu ka qabsoomi doono xarunta Xalane oo ah meel amnigeeda si weyn loo ilaaliyo.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in shirkaasi looga hadli doono xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021-

Ciidamo gaar ah oo ilaalo u ah Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa sidoo kale saacadihii lasoo dhaafay laga soo dajiyey magaalada Muqdisho.

Axmed Madoobe iyo Deni oo aan ka qeyb-gelin shirkii Dhuusamareeb 3 ayaa dhaliilo xoogan u jeediyey Madaxweynaha Soomaaliya, balse wuxuu imaatinkooda ku soo aadaya kadib shir ay labaduba ku yeesheen Garoowe, kaas oo ay uga hadleen xaaladda dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this