Sign in to follow this  
Deeq A.

Galmudug iyo AMISOM oo ka wada-hadlay dagaalka Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Madaxa Midowga Africa ee Amisom Francisco Madera.

Kulankaasi ayaa looga hadlay xoojinta Xiriirka Amisom iyo dowlad goboleedka Galmudug  iyo qodobo kale oo la xiriiray ka qeybgalka sugidda amniga iyo horumarinta bulshada.

Ciid ayaa saraakiisha Amisom kala hadlay sidii Ciidamada Amisom ay gacan uga geysan lahaayeen sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanada ay ka joogaan Galmudug.

Muddooyinkii u dambeeyey Galmudug ayaa waday guluf ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana ciidamada maamulkaasi iyo kuwa dowladda ay wadeen howl-gallo ka dhan ah Al-Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this