Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Soomaaliya oo gudbisay cabasho ka dhan ah xafiiska UNSOM

Recommended Posts

Deeq A.   

Danjiraha Soomaaliya u jooga Xarunta Dhexe ee QM ee magaalladda New York, Ambassador Abukar Dahir Osman “Abukar Baale” ayaa Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka, ku sheegay  in ay muhiimtahay in Dib-u-qiimayn lagu sameeyo Hawlgalka UNSOM, lana joojiyo Faragelinta  Soomaaliya kadib, markii ay 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM jimcihii la soo dhaafay Kulan ka yeesheen Arrimaha Soomaaliya, isla markaana Xilli-kordhin loo sameeyey Hawlgalka QM ee Taageeradda Soomaaliya ee UNSOM.

Qoraalka Danjiraha oo loo gudbiyey Madaxa Golaha Ammaanka ee QM ee bishan Augost waxaa lagu sheegay in la gaaray Xilligii qiimeyn lagu samayn lahaa Waajibaadka Shaqo ee Xafiiska UNSOM, iyadoo DFS ku eedeysay in ay yar tahay Awoodda UNSOM ku bixinayso Taageeradda Siyaasad iyo Farsamo ee Ajendaha Dowlad-dhiska Soomaaliya.

UNSOM waxaa kaloo lagu eedeeyey in ay hoos u dhigaan Horumarka DFS, isla markaana uu Xafiiska UNSOM warbixintiisa saddex Biloodlaha ku soo gudbiyaan fal-celinta Dhacdooyinka Soomaaliya.

Danjiraha ayaa sidoo  kale oo uu Qoraalka u uu gudbiyey Madaxa Golaha Ammaanka ee QM ku muujiyey in ay DFS ku tallaabsatay Horumar sanadihii la soo dhaafay, balse, ay UNSOM u muuqato inaysan baahinin Dadaalka iyo Himilooyinka DFS ee la xaqiijiyey.

Ambassador Abukar Baale waxa uu Qoraalkiisa ku xusay in ay muhiim tahay in ay DFS hoggaamiso dadaalka Dib-u-dhiska ee Soomaaliya, wuxuuna xusay in ay DFS ku baaqayso in la ilaaliyo Madax-bannaanideeda, lagana digtoonaado  Faragelinta Arrimaha Gudaha Soomaaliya, gaar ahaan Xilliga Doorashooyinka.

Qoraalka waxaa looga codsaday Golaha Ammaanka ee QM iyo Saaxiibada Beesha Caalamka in ay DFS ka taageeraan dadaalka, iyadoo ay Daneeyayaasha Siyaasadda ee muhiimka ka ah Soomaaliya ku heshiiyeen Qaabka doorashadda.

Qoraalka Cabashada ee uu Danjiraha Soomaaliya u jooga Xarunta Dhexe ee QM waxay ku soo beegantay, iyadoo uu Ergayga Khaaska ee Xoghayaha Guud ee QM, Ambassador James Swan u gudbiyey Golaha Ammaanka ee QM Warbixintiisa saddex biloodlaha oo uu kaga hadlay dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee Somalia.

Golaha Ammaanka ee QM waxay kaloo u codeeyeen in muddo hal sano ah lagu kordhiyo Xilli-hawleedka UNSOM ilaa laga gaarayo 31-ka bisha Agost ee sanadka soo socda ee 2021-ka.118622646_803243920417421_7294030336652903951_n.jpg?_nc_cat=103&_nc_sid=b96e70&_nc_ohc=i9ida2KPc4UAX8JkQI6&_nc_ht=scontent-mrs2-1.xx&oh=72c832cfb6bf6c7220d03d64cb8a71a8&oe=5F72AF22

118604098_2764204220521401_6190790815242795599_n.jpg?_nc_cat=101&_nc_sid=b96e70&_nc_ohc=nFr-H_mi9GAAX-MZyJp&_nc_ht=scontent-mrs2-2.xx&oh=479c78a809ea15faaf72f4a40a5e9c3d&oe=5F71A8E4

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this