Sign in to follow this  
Deeq A.

Saygii hore ee Ilhaan Cumar oo diiday la kulmo Madaxweyne Trump

Recommended Posts

Deeq A.   
Axmed-Xirsi.jpg?resize=733%2C637&ssl=1

Axmed Xirsi, oo ah saygii hore ee Ilhaan Cumar, ayaa sheegay in uu diiday Kulan uu ka dalbaday Madaxweynaha Waddanka Maraykanka, Donald Trump.

Qoraal kooban oo Axmed Xirsi uu soo dhigay bartiisa Facebook, ayuu ku sheegay in Madaxweyne Trump uu ku casumay kulan gaar ah, balse uu ka diiday Kulankaas.

Mr Axmed Xirsi, wuxuu Qoraalkiisa ku xusay in aysan kulmi Karin isaga iyo Madaxweyne Donald Trump, inkastoo uusan sababta sheegin.

Balse, waxa jirta in muran Siyaasadeed oo ba’an ka dhexeeyo Ilhaan Cumar iyo Madaxweyne Trump, taas oo lagu micnayn karo diidmada Axmed Xirsi ee la kulanka Trump.

PUNTLAND POST

The post Saygii hore ee Ilhaan Cumar oo diiday la kulmo Madaxweyne Trump appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this