Deeq A. Posted August 29, 2020 Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa maanta weerar ku billowday qarax ku qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla deegaanka Baarsanguuni ee gobolka Jubbada Hoose. Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo dhex-maray ciidamada dowladda kuwa Jubbaland oo dhinac ah iyo dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab. Afhayeenka wasaaradda amniga Jubbaland, Cabdinuur Ibraahim oo u warramay Shabelle ayaa sheegay in ciidamadu ay ka hortageen weerarka ay soo qaadeen Al-Shabaab. Sidoo kale afhayeenka ayaa tilmaamay in dagaalkaasi oo ka dhacay duleedka Baarsanguuni lagu dilay in ka badan 10 dagaalyahan, sida uu hadalka u dhigay. Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana goobihii lagu diriray howl-gallo ka wada ciidamada Bangarafta Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta ee maamulka Jubbaland. View the full article Share this post Link to post Share on other sites