Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya dagaal ka dhacay Jubbada Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa maanta weerar ku billowday qarax ku qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla deegaanka Baarsanguuni ee gobolka Jubbada Hoose.

Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo dhex-maray ciidamada dowladda kuwa Jubbaland oo dhinac ah iyo dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab.

Afhayeenka wasaaradda amniga Jubbaland, Cabdinuur Ibraahim oo u warramay Shabelle ayaa sheegay in ciidamadu ay ka hortageen weerarka ay soo qaadeen Al-Shabaab.

Sidoo kale afhayeenka ayaa tilmaamay in dagaalkaasi oo ka dhacay duleedka Baarsanguuni lagu dilay in ka badan 10 dagaalyahan, sida uu hadalka u dhigay.

Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana goobihii lagu diriray howl-gallo ka wada ciidamada Bangarafta Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta ee maamulka Jubbaland.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this