Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo faah faahiyey duqeymaha uu sanadkan ka geystay Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Talisk Ciidanka Mareykanka ee qaaradda Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa shaaciyay tirada rasmi ah ee duqeymaha diyaaradeed ay sanadkaan 2020 ka fuliyeen gudaha dalka Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in gudaha Soomaaliya 8-dii bilood ee la soo dhaafay ka fuliyeen 46 duqeyn, kuwaasi oo ka dhacay deegaanada Gobolada dalka ay ka sugan yihiin Al-shabaab.

Sidoo kale AFRICOM ayaa tilmaamtay in duqeymaha qaarkood lala eegtay fariismo ay ku sugnaayeen Al-shabaab, isla markaana uu ka dhashay Khasaaro kala duwan, balse aysan soo bandhigin dhammaan Khasaaraha ka dhashay duqeymaha.

Waxaa kaloo Taliska Ciidanka Mareykanka ee qaaradda Afrika uu sheegay in saddex weerar oo dhinaca Cirka ay Al-shabaab la beegsadeen inta u dhexeeysay bilowga bishaan Agoosto iyo 20-keedii, waa sida hadalka loo dhigay.

Ugu dambeyn Taliska AFRICOM Qoraalka ay soo saareen kuwa aysan shaacin Khasaaraha dadka shacabka ah kasoo gaaray duqeymaha ay sanadkaan ka geysteen Soomaaliya, in kastoo ay jiraan Khasaaro dadka shacab ah kasoo gaaray duqeymahaas.

Si kastaba Ciidanka dowladda Federaalka iyo diyaaradaha dagaalka Mareykanka ee duuliye la’aanta ayaa duqeymo kala duwan inta badan ka fuliya deegaanada Gobolada dalka ay kaga sugan yihiin Al-shabaab, kuwaasi oo qaarkood sababa Khasaaro kala duwan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this