Sign in to follow this  
Deeq A.

DANAB oo hawlgal qorshaysan ka fuliyay jidka u dhexeeya Muqdisho iyo Jowhar

Recommended Posts

Deeq A.   
1-37.jpg?resize=720%2C540&ssl=1

Ciidanka Kumaandooska DANAB ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Sabtiya hawlgal qorshaysan ka fuliyay wadada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.

Saraakiil ka tirsan Kumaandooska DANAB ayaa laga soo xigtay in Hawlgalka lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab kuwaas oo Amni-darro ka waday jidka u dhexeeya Labadaasi magaalo.

Hawlgalka waxa sidoo kale jidka looga saaray miinooyina la sheegay in ay halkaasi ku aaseen Al-shabaab sida ay sheegeen Saraakiisha.

PUNTLAND POST

The post DANAB oo hawlgal qorshaysan ka fuliyay jidka u dhexeeya Muqdisho iyo Jowhar appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this