Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Yurub Oo Digniin Culus U Diray Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxa siyaasadda arimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell ayaa uga digay Turkiga in uu waajihi doono cunaqabateyn haddii uu sii wado “ficillada gardarada ah ee bariga badda Mediterranean-ka ay ka wadaan sida uu hadalka u dhigay.

Hadalada Borrell ayaa yimid kadib kulan ay yeesheen wasiirada arimaha dibada ee dalalka midowga Yurub.

Sarkaalkaan reer Yurub ayaa ka hadlay dareen kacsanaan leh oo ka soo kordhay ficilada Turkiga.

Turkiga ayaa gaas ka baadhaya biyo ay Gariiga iyo Jaziiradda Cyprus aaminsanyihiin in iyagu leeyihiin .

Tallaabooyinka soo socda ee Midowga Yurub ayay u badantahya in looga wada xaajoon shir ay yeelanayaan wadamadaan oo dhacay 24- bisha September ee soo aadan .

Waxaana looga golleeyahay tallaabooyinkan in lagu xakameeyo awoodda Turkiga uu ku baadi goobeyo gaaska dabiiciga ah ee biyaha la isku haysto.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this