Sign in to follow this  
Deeq A.

Wakhtiga joogitaanka UNSOM ee Soomaaliya oo dib u cusboonayn lagu sameeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Amniga Qaramada Midoobay, ayaa Jimcihii Shalay dib u cusboonaysiiyay Wakhtiga Hawlgalka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee  UNSOM oo Sannad kasta mar la cusboonaysiiyo.

Qaraar shalay ka soo baxay Golaha, oo Tirsigiisu yahay 2540, ayaa dib loogu cusboonaysiiyay Wakhtiga joogitaanka UNSOM oo ku ekaa 31-da Agoosto 2020, waxaana la cusboonaysiiyay mudda sannad ah oo ku eg 31-da Agoosto 2021.

Hawlgalka UNSOM, wuxuu Soomaaliya ka taageera dhinacyada dhismaha Nabadda iyo Dowladnimada, dhawrista Xuquuqda Insaanka, ka hortaga Tacaddiyada ku salaysan Jinsiga, Xoojinta Hay’adaha Garsoorka iyo Ilaalinta Xuquuqda Haweenka iyo Carruurta.

UNSOM, waxaa lagu as’aasay Qaraarka Tirsigiisu yahay 2102, kaas oo Golaha Ammaanka ka soo baxay 3-dii June 2013, si loo xooqjiyo Taageerada Qaramada Midoobay u fidiso dhismaha Dowladnimada Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Wakhtiga joogitaanka UNSOM ee Soomaaliya oo dib u cusboonayn lagu sameeyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this