Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada wasiir Janan oo loogu baaqay inay isku dhiibaan DF Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo, ahna madax siyaasada ee gobolkaasi Mudane Cismaan Nuur Xaaji Macalimu oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu baaqay ciidamada u hoggaaminayo wasiir amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Janan inay  isku soo dhibaan kuwa dowladda ee ku sugan Beledxaawo.

Macalimu ayaa sheegay in ciidamada Jubbaland ay dib ugu soo noqon karaan deegaanka, haddii aysan wax dhibaato ah wadin, islamarkaana ay dhigayaan hubka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay soo dhoweyn doonaan haddii ay ku soo biiraan ciidamada Xoogga ee dagaalka uga saaray magaaladaasi.

”Askari Qaran haddii aad tahay Xoogga dalka ahaaw, Boolis ahaa.” ayuu yiri Cismaan Nuur Xaaji Macalimu

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in aysan wax dan ugu jirin xaaladda ay ku sugan yihiin, ciidamada wasiir Janaan, wuxuuna ugu baaqay inay dhistaan mustaqbalkooda dambe.

”Fadlan yaanan la’idin maran habaabin mustaqbal ayaad leedihiin niman dhaliyaro ah oo Soomaali ah ayaad tihiin walaalaheena tihiin deegaankan aad idinku filan.’’ ayuu sii raaciyey.

Ciidamada Xoogga dalka ayaa Beledxaawo la wareegay 2 bishii March ee sanadkan, kaidb dagaal ay la galeen ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaloya, tan iyo markaasi labada ciidan ayaa dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda ka waday duleedka degmadaasi

The post Ciidamada wasiir Janan oo loogu baaqay inay isku dhiibaan DF Soomaaliya first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this