Sign in to follow this  
Deeq A.

Sababta uu taajir u sii noqonayo ninka dunida ugu qanisan

Recommended Posts

Deeq A.   

Sababta uu taajir u sii noqonayo ninka dunida ugu qanisan

Bezos

Jeff Bezos oo ah ninka dunida ugu taajirsan ayaa gaaray heer aan horay loo arag muddo afartan sano ah ka dib markii hantidiisa ay gaartay $204 bilyan oo doollar.

Wargeyska Forbes ee wax ka qora dadka maalqabeenada ayaa ku soo warramay in 56 jirkan ay hantidiisa gaartay $204 bilyan oo doollar, waxaana 90 bilyan oo doollar uu ka sare maray ninka labaad ee ugu hantida badan caalamka ee Bill Gates oo hantidiisa ay gaareyso $116 bilyan oo doollar.

Bezos oo ah asaasaha shirkadda Amazon ee badeecadaha ku iibisa online-ka ayaa sannadkii 2017-ka noqday ninka ugu taajirsan dunida, waxaana la aaminsan yahay in uu dhaqaale badan ka sameeyay xanuunka corona, maadaama dad badan ay guryaha ku sugan yihiin xanuunka awgii, waxwalba oo ay u baahan yihiinna ay halkaas ka dalbadaan.

Tan iyo markii uu bilawday sannadkan, waxaa sare u kacay dalabka shirkadda Amazon. Horaantii sannadkan Bezos hantidiisa waxay ahayd $115 bilyan oo doollar.

Walow shirkado badan oo caalamka ah ay khasaareen, haddana ninkan oo ah milkiilaha wargeyska Washington Post iyo shirkado kale oo maalgashi wuxuu dhaqaale badan sameeyay xilligan cudurka coronavirus uu aduunyada xirxiray.

Jeff Bezos iyo xaaskiisii hore MacKenzie Bezos.
Jeff Bezos iyo xaaskiisii hore MacKenzie Bezos.

Bezos waxaa uu noqon lahaa nin heysta hanti ka badan intaa, balse kala bar hantidiisa waxaa la siiyay xaaskiisa oo ay kala tageen.

Markii ay kala tageen xaaskiisi hore, MacKenzie waxay ku heshiiyeen in ay qaadato 25% boqolkiiba hantida shirkadda oo xilligaas u dhigantay $63 bilyan oo doollar.

 

MacKenzie Scott, xaaskii hore ee milkiilaha Amazon, Jeff Bezos, oo ka mid ah haweenka ugu hantida badan caalamka ayaa sheegtay in tan iyo markii ay kala tageen iyada iyo seygeeda ay bixisay lacag gaareysa $1.7 bilyan oo doollar oo kaalmo ah.

Jeff Bezos

 

Lacagahan ayay sheegtay in ay ku bixisay arrimo ay ka mid yihiin goobo waxbarasho, wax ka qabashada isbadelka cimilada iyo arrimaha caafimmaadka.

Scott ayaa heysata hanti gaareysa $62 bilyan oo doollar, waxaana iyada iyo seygeeda ay kala tageen sannadkii hore.

Haweeneydan waxay is-guursadeen Bezos kahor inta aanu asaasin Amazon, waxayna mar ka mid ahayd shaqaalaha shirkadda Amazon, haseyeeshee markii ay kala tageen waxay hanta badan ka heshay dhaqaalihii shirkadda.

 

Markii ninka dunida ugu taajirsan xaskiisa ay go’aansatay in ay kala tagaan, waxay u ahayd guul dhaqaale oo ay gaartay, waxayna taasi sii kordhisay tirada haweenka ugu hantida badan caalamka.

Mr Bezos ayaa hataan ku guda jira dhismaha dhul ku fadhiya 165,000 oo hektar, kaas oo ku yaala galbeedka Texas ee Mareykanka.

Guriga uu haatan ku nool yahay oo ku yaala xaafadda Medina, ee Washington, ayaa u dhaw xarunta shirkadda Amazon, gurigaas oo ku fadhiya inkabadan 5.35 hektar oo dhul ah. Gurigan ayaa la sheegaa in dhismihiisa ay ku baxday lacag gaareysa $100 milyan oo doolar.

Haweeneydan ayaa afar caruur ah u heysa madaxa shirkadda Amazon, waxayna aqal galeen sannadkii 1993.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this