Deeq A. Posted August 28, 2020 Madaxweynayaasha K/ Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle oo yeeshay kulan khadka taleefanka ah ayaa soo dhoweeyey qodobadii ka soo baxay shirkii Garoowe ee ay yeesheen Madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland, Axmed Madoobe iyo Siciid Deni. Warsaxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen maamullada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle ayaa waxa ay ku sheegeen inay aqbaleen shirka wada-tashiga ee ay ku baaqeen madaxdaasi, kaas oo dhowaan ka dhacaya magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Halkan hoose ka akhriso:- View the full article Share this post Link to post Share on other sites