Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliiska Mareykanka oo gacanta ku dhigay nin Muslin ah oo ay raadinayeen 12 sano

Recommended Posts

Deeq A.   

Booliiska Mareykanka oo gacanta ku dhigay nin Muslin ah oo ay raadinayeen 12 sano

Yaser Abdel Said, oo 63 jir ah, ayaa waxay booliiska raadinayeen muddo 12 sano ah
Yaser Abdel Said, oo 63 jir ah, ayaa waxay booliiska raadinayeen muddo 12 sano ah

Nin darawal taksi ahaa oo looga shakisanaa inuu dilay labo gabdhood oo uu dhalay ayaa la xiray ka dib markii muddo 12 sano ah lagu raadjoogay.

Warqadda lagu soo xirayo Yaser Cabdel ayaa la soo saaray maalin uun ka dib markii sanaddii 2008-dii la toogtay gabdhihiisa oo lagu kala magacaabi jiray, Sarah Yaser Saciid, oo 17 sano jir ahayd, iyo Amina Yaser Saciid, oo 18 jir ahayd.

Ninkani oo u dhashay dalka Masar ayaa waxaa sanaddii 2014 lagu daray liiska 10 qof ee ay aadka u baadigoobayso laanta dambi barista Mareykanka ee FBI.

Muddo 7 sano ah oo laga joogo markii warqada xiritaanka la soo saaray ayaa waxay booliiska ku xireen isaga iyo lab ka mdi ah eheladiisa, gobolka Texas.

Mr Saciid, oo ay imika da’diisu tahay 63 jir, ayaa waxaa lagu wadaa in dhawaan loo wareejiyo degmada Dallas.

Maxaa lagu eedeeyay Saciid?

Baaritaanada dilka ayaa furmay 1 January, 2008 ka dib markii laba gabdhood oo lagu kala magacaabi jiray, Amina iyo Sarah, la helay meydkood ka dib markii la toogtay.

Isla maalintaasi, Mr Saciid ayay FBI sheegeen in gabdhahiisa uu ku qaaday gaariga Tagsiga ah isaga oo ugu sheekeeyay in uu cuno soo siinayo.

 

Yaser Cabdel Said waxaa lagu eedeeyay in uu gabdhihiisa toogtay
Yaser Cabdel Said waxaa lagu eedeeyay in uu gabdhihiisa toogtay

Laanta dambi barista Mareykanak ayaa sheegtay in gabdhahani uu u sheegay inuu u kaxeeynayo goob ku taalla gobolka Texas, halkaasi oo la sheegay in uu ku toogtay.

Labada gabdhood ayaa waxay u dhinteen dhaawacyadii ka soo gaaray toogashadaasi.

Dhimashadooda ka hor ayaa mid ka mid ah qoyskooda waxaa uu booliiska u sheegay in Saciid uu ugu hanjabay”in uu waxyeelo u gaysanayo ″ Sarah ka dib markii ay shukaansatay nin aan Muslim ahayn, waxaa sidaasi baahiyay telefishinka CBS News.

Boolisika ayaa waxaay Yaser Cabdel ku raadi joogeen oo ay abadigoobayeen muddo 12 sano ah.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this