Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowlad Goboleedyada taageersan Villa Somalia oo soo dhoweeyay Shirkii Puntland iyo Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynayaasha Saddexda Dowlad Goboleed ee Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, oo Shir ku yeeshay Khadka Taleefonka, ayaa soo dhoweeyay Go’aannadii ka soo baxay Shirkii Wada-tashiga Puntland iyo Jubaland ee ka qabsoomay Garoowe.

War-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen Saddexda Hoggaamiye ee Dowlad Goboleedyadaas taageersan Villa Somalia, ayay sidoo kale ku soo dhoweeyeen Shir ay sheegeen in Dowladda Federaalka ay la yeelanayso Madaxda Puntland iyo Jubaland, si loo dhammeeyo wixii isfaham-waa jira.

Waxay u mahadceliyeen dhammaan Dadka Soomaaliyeed ee taageerada iyo Dhiirri-gelinta la garab taagan Madaxdooda, si xal looga gaaro Arrimaha Siyaasadeed ee Dalka iyo Hannaanka Doorashada 2020/2021.

Sidoo kale, waxay u mahadceliyeen Dalalka iyo Ururada ku midaysan Beesha Caalamka, oo sida ay sheegeen Soomaaliya ka caawisa Arrimaha Amniga, Horumarinta iyo Arrimaha Bulshaada.

Halkaan ka akhriso War-murtiyeedka

KO.jpg?resize=720%2C888&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Dowlad Goboleedyada taageersan Villa Somalia oo soo dhoweeyay Shirkii Puntland iyo Galmudug appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this