Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wasiirada Oo Ansixiyay Hab-Raaca Hubka Iyo Rasaasta ciidamada Xoogga

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha wasiirrada xukuumadda xil gaarsiinta dalka, ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxay ku meel mariyeen hab-raaca hoggaanka hubka iyo rasaasta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay golaha usoo gudbisay wasaaradda difaaca dalka.

Hoggaanka Hubka iyo Rasaasta Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa qeyb ka ah hoggaannada muhiimka u ah shaqooyinka CXD, waxaana habraaca maanta la ansixiyay oo qeyb ka ah qorshaha dib-u-habeynta ciidanka uu sare u qaadayaa hufnaanta iyo horumarinta awoodda ciidanka si ay ugu guuleystaan dadaallada xoreynta guud ahaan dalka iyo nabad dhisidda si mawaadiniinta Soomaaliyeed ay u helaan amni buuxa.

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa guddoomiyay shirka golaha oo sidoo kale looga hadlay amniga dalka, xaaladda COVID-19 iyo dayn cafinta.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

BG5I1092.jpg BG5I1098.jpg BG5I1104.jpg BG5I1111.jpg BG5I1117.jpg BG5I1130.jpg BG5I1140.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this