Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Qatar oo taageero u ballan qaaday maamulka Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne ku xigeenka Dowlada Goboleedka Galmudug Mudane Cali Dahir Ciid ayaa Muqdisho ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Xassan Bin Xamsa.

Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay arimaha Hormarinta Galmudug iyo kaalinta ay Dowlada Qatar ka qadanayso dib u dhiska Hay’adaha kala duwan ee Dowlada Galmudug.

Sidoo kale, waxaa la isku soo qaaday sidii Dowlada Qatar ay Galmudug uga caawin lahayd dhismaha Ciidanka Daraawiishta ee Galmudug.

Ugu dambeyn kulankaan ayaa waxaa uu ku soo dhamaday is afgarad, waxaana Safirka Qatar uu Galmudug ku amaanay horumarka ay samaysay mudadii koobnayd ee ay jirtay oo la xusi karo dadaalada ay ugu jirto dibu dhiska iyo Mideynta dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan halkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this