Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe oo ka digay in Qalalaase Siyaasadeed ka dhaco Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, oo Warbaahinta la hadlay kadib Shirkii Garoowe ugu soo dhammaaday Puntland iyo Jubaland, ayaa ku baaqay in dhinacyada isku haya Siyaasadda Soomaaliya ay tanaasul iyo dulqaad isu muujiyaan.

Madaxweynaha Jubaland, wuxuu sheegay in Marxaladda kala guurka ah ee Dalku haatan marayo, ay tahay mid u baahan dulqaad iyo isu-tanaasul dheeriya, si looga heshiiyo Hannaanka Doorashada 2020/2021.

Axmed Madoobe, ayaa xusay in Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya loo baahanyahay, in ay ku qabsoonto Wakhtigeeda, ayna noqoto mid lagu wada qanacsanyahay, oo si xasilooni iyo Nabad ah ku dhacda.

Balse, wuxu si adag uga digay, in Muranka iyo Is-qab-qabsigu sii socdo, taasi oo sida uu sheegay Xasilooni-darro iyo Khal-khal Amni gelinaysa Xaaladda Waddanka.

Hoos ka daawo Hadalkiisa

PUNTLAND POST

The post Axmed Madoobe oo ka digay in Qalalaase Siyaasadeed ka dhaco Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this