Sign in to follow this  
Deeq A.

New Zealand: Xabsi daa’im lagu xukumay Brenton Tarrant

Recommended Posts

Deeq A.   

Garsoore u dhashay Waddanka New Zealand, ayaa Khamiista maanta ah xukun xabsi daa’im oo aan cafis laheyn ku riday ninka caddaanka ah, Brenton Tarrant, kaasi oo 51 qof oo Muslimiin ah oo cibaadeysanayay ku toogtay dalkaasi taasi oo ahayd toogashadii ugu dhimashada badneyd ee New Zealand.

Waa markii ugu horreysay ee maxkamad ku taal New Zealand ay xukun xabsi daa’im ah ku riddo qof inta noloshooda ka harsan.

Qaaliga maxkamada sare ee Christchurch Cameron Mander ayaa sheegay in Tarrant uusan muujin wax qoomamo ah iyo in muddada dheer ee lagu xukumay aysan ku filneyn in ay ka cafiso dambigiisa.

Tarrant, oo ah 29 sano jir u dhashay Australia ayaa qirtay 51 dambi oo dil ah, 40 dacwadood oo isku day dil iyo hal eedeyn oo ah inuu galay fal argaggixisinimo intii uu ku guda jiray toogashadii 2019-kii ka dhacday laba masaajid oo ku yaal magaalada Christchurch isagoo toogashada si toos ah uga baahinayay Facebook.

Xigasho: VOA Somali

PUNTLAND POST

The post New Zealand: Xabsi daa’im lagu xukumay Brenton Tarrant appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this