Sign in to follow this  
Deeq A.

Afhayeenka Guud Ee Xisbiga WADDANI Oo Looga Yeedhay Xarunta Baadhista Dambiyadda Somaliland Ee C.I.D-Da

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Afhayeenka guud ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Barkhad Jaamac Batuun ayaa goor-dhawayd looga yeedhay xarunta baadhista dambiyadda Somaliland ee C.I.D-da.

Maxamed Siddiiq Dhamme oo ka tirsan xisbiga WADDANI ayaa xaqiijiyay waxaanu yidhi “Hadda waxa looga yeedhay xarunta danbi baadhista C.I.D magaalada Hargaysa Af-hayeenka Barkhad Jaamac Batuun Xisbiga WADDANI Waxaanu u aragnaa tallaabadaasi Intimidation lagu samaynaayo. Waxaana lagu haystaa ka hadalka Haybsooca qarniyada soo taagnaa ee uu ka hadlaayay toddobaadkan tallaabadaasi waa caddaawad muujinaysa Takoor hor leh.”

Dhan kale wararka qaar ayaa sheegaya in la xidhay Afhayeen Barkhad Jaamac Batuun balse ma jirto illaa cid xaqiijisay xadhiggiisa.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this