Sign in to follow this  
Deeq A.

Ninkii Misaajidda Ku Laayay Dadka Badan Oo Xukun Adag Lagu Riday

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxakamad ku taalla New Zealand ayaa xukun ku ridday ninkii 51-ka qof ku laayay labada misaajid. Waxaa lagu xukumay xabsi daa’in oo aan sideyn sharafeed lahayn. Waa qofkii ugu horreeyay ee taariikhda dalka New Zealand soo mara xukunkan.

Ninkan oo ka soo jeeda dalkaasi Australia ayaa hore u qirtay dambiga ah inuu dilay 51 qof, isagoo sidoo kalana isku dayay inuu weerarkiisa saddexaad ku dilo 40 qof oo kale.

Garsooraha ayaa ficilladiisa ku tilmaamay kuwa “bini’aadanimada ka baxsan” Waxa uuna intaasi ku daray aanu muujin “naxariis yar xitaa.”

Weerarkaasi ayaa ahaa mid dunida oo dhan ka argagaxday, kaasi oo dhacay 15-kii bishii March ee sannadkii la soo dhaafay.

Weerarka ayaa waxa uu New Zealand u horseeday in la soo rogo sharci adag oo ka dhan ah hubka.

“Dambiyada waxay ahaayeen kuwa aad u xun oo xitaa haddii lagu xidho inta aad ka dhimanaysa aanan u dhigmin ciqaabtii loo baahnaa,” waxaa sidaasi sheege garsoore Cameron Mander oo xukunka riday.

Garsoore Mander ayaa muddo ku dhaw saacad xusuusinayay Tarrant qof walba oo uu dilay ama uu dhawaacay.

Waxaa uu intaa ku daray in aanu ninkan muujin “in uu gef geystay amaba aanu dareemayn wax ceeb ah”.

Qareenadda Tarrant ayaanan ka so horjeedsan xukunka xabsi daa’inka ah ee lagu riday .

Waxaa uu sidoo kale ninkan la xukumyay diiday xaqii uu u lahaa in uu maxkamada ka hadlo markii xukunka lagu ridayay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this