Sign in to follow this  
Deeq A.

EU NAVFOR oo war rasmiya ka soo saartay Beentii laga faafiyay Markab ku cilladooay Xeebaha Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Hawlgalka Midowga Yurub u qaabilsan La-dagaallanka Burcad-badeedda Xeebaha Soomaaliya, ee loo soo gaabiyo EU NAVFOR, ayaa war rasmiya ka soo saaray Markabka Xamuul ah oo Todobaadkii hore ku cilladoobay Xeebaha Bari ee Puntland.

Qoraal ka soo baxay EU NAVFOR, ayaa lagu sheegay in ay been abuur yihiin wararka ku saabsan in Burcad-badeed afduubtay Markabka Aegean ll, oo ka yimid dekedda Shaariqa ee Waddanka Imaraatiga, kuna socday Magaalada Muqdisho ee Soomaaliya, halkaas oo uu shidaal u siday.

Qoraalka waxa lagu sheegay, in Markabka oo ku gooshayay Calanka Panama, oo ay saarnaayeen 20 shaqaale ah uu Todobaadkii hore ku cilladoobay Xeebta Degmada Bareeda ee Raasiga Gacanka Gardafuu

Sidoo kale, Qoraalka waxa lagu xusay in lix askari oo ka tirsan Booliiska Gardafuu loo diray Markabka, si ay u hubiyaan, kadib markii laga shakiyay dhaqdhaqaaqiisa, kuwaas oo soo xaqiijiyay Markabka cilladaysan, balse aysan ahayn Burcad-badeed afduubtay.

EU NAVFOR, waxay xaqiijiyeen in kadib markii la cillad-bixiyay uu Markabkaasi u shiraacday dhinaca Muqdisho, isagoo aan wax afduub ah la kulmin, islamarkaana ay bed-qabaan dhammaan Shaqaalihii saarnaa.

PUNTLAND POST

The post EU NAVFOR oo war rasmiya ka soo saartay Beentii laga faafiyay Markab ku cilladooay Xeebaha Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this