Deeq A. Posted August 26, 2020 Ciidamada Booliska Soomalaiyeed ayaa xoojiyey maalmihii u dambeeyey howl-gallada ay ka wadaan gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, iyaga oo xalay baaritaano xoogan ka sameeyey gudaha degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir. Howl-gallada oo ahaa kua qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ka fuliyeen xaafadaha ay ka kooban tahay degmadaasi. Wararka ayaa sheegaya in ciidanka ay howl-galladaasi ku soo qab-qabteen tiro dad ah oo u badan dhalinyaro, kuwaas oo markii dambe qaarkood la sii daayey. Ma jiro weli wax faah faahin ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan baaritaanadaasi. Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii la soo dhaafay ahaa mid faraha ka siiyey, waxaana ka dhacayey qaraxyo iyo dilal qorsheysan intaba. View the full article Share this post Link to post Share on other sites