Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Kenya oo lagu eedeeyey tacadiyo ka dhacay Jubbooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl-galka AMISOM ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu eedeeyey tacadiyo ka dhan ah bani’aadanimada oo ay ka geysteen gobollada Jubbooyinka.

Cabdirashiid Maxamed Gaas oo ka mid ah waxgaradka deegaanada maamulka Jubbaland ayaa sheegay in duqeymo aan loo meel dayin ciidamadaas ay ka fuliyaan halkaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamadu halkii laga rabay inay sugayaan amniga dadka shacabka ah ay iyagu waxyeeleeyaan, sida uu hadalkau dhigay.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dowladda Soomaaliyeed inay wax ka qabato dhibaatooyina ay ciidamada Kenya ku hayaan shacabka gobollada Jubbooyinka

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this