Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin u dhashay Hibada Xisaabta Maskax ahaana ka dheereeya mishiinka wax lagu xisaabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Nin ka dheereeya mishiinka wax lagu xisaabo

Neelakantha Bhanu Prakash

 

Waxaad Neelakantha Bhanu Prakash ku tilmaami kartaa Usain Bolt-ha xisaabta.

Waxa uu jiraa 20 sanno, wuxuuna ku guleystay billad dahab ah mar uu ka qeyb galay tartanka xisaabaadka maskaxda.

Wuxuu sheegayaa in tartaankaasi uu yahay ciyaaraha maskaxda kaasi oo meessha ka saarayo xabsida laga qabo xisaabta.

Bhanu wuxuu sheegayaa in “Markasta uu ka fakaro tirada” haddana uu yahay qofka ugu dhakhsiyaha badan dunida oo dhan marka ay timaaddo xallinta xisaabta, gaar ahaan xisaabta kor laga sheego adigoon qalin ama meshiinta xisaabta qaadan.

Wuxuu isbar-bardhigay dadka leh hibada xisaabta iyo dadka kale ee u tartama cayaraha kala duwan, waxa uu tilmaamay in aan inta badan dirradda la saarin dadka leh hibooyinka gaarka ah.

“Waxaan u dabaal-degeynaa dadka sida Usain Bolt marka uu 100 mitir ku jaro 9.8 ilbiriqsi.” Waxa uu sidaasi u sheegay BBC-Radio 1 Newsbeat.

“Waxba looma sameeyo dadka kale si loogu dhiirageliyo waxa wanaagsan ee ay sameeynayaan, marka waxaa loo baahan yahay in dadka kale ee leh hibada gaarka ah loo sameeya dhiiragelin”.

‘Waxay maskaxdaada u horseedeysaa iney shaqeyso’

Waad ku fakari kartaa Bhanu inuu u dhashay hibada uu leeyahay ee xisaabta balse sidaasi ma ahan.

Waxaa hibadaan u horseedday, markii uu jiray 5 sanno wuxuu galay shil kaddibna mudda sannad ah oo uu sariir saarnaa ayuu waqti u helay xisaabta.

“Waalidiinteyda waxaa loo sheegay in aan maska ahaan liito, marka sidaa darteed waxaan bilaabay in aan xifdiyo xisaabta si aan maskaxdeyda uga shaqeysiiyo.”

Neelakantha Bhanu Prakash

Waxa uu sheegaya inuu ka soo jeedo qoys dabaqadda dhexe ah, muhiimaddiisuna ay tahay inuu helo shaqo fiican ama uu furto ganacsi u gaar ah.

‘Maskax ballaaran oo ciyaare ah’

Sida dadka kale ee tarmada, Bhanu waxa uu guushiisa ku saleynayaa diyaarinta xisaabta.

“Xifdinta xisaabta ma ahan in aad kursi fariisato oo barato, ee waa in aad masxkada si dhab ah uga shaqeysiiso”.

“Iskumaan diyaarin in aan noqdo xisaabiye si deg-deg ah uga shaqeeya xisaabta, balse waxaan isu diyaariyay in aan si dhakhsiya u fakaro.”

 

Bhanu markii uu yaraa wuxuu xisaabta sameyn jiray lix ilaa 7 saacadood maalin-walba marka uu iskuulka ka soo baxo.

Balse tan iyo markii uu ku guulestay billada xisaabta, sidii hore ugama shaqeeyo xisaata, wuxuu taa ku badalay in uu ku tiirsanaado Ka shaqeynta xisaabta xilli aan go’nayn. “Waxaan markasta ka fakaraa tirooyinka,” ayuu yiri.

“Waxaan xisaabta sameeyaa iyadoo miyuusig cod dheer daaran yahay, anigoo ciyaarayo kiriket-ka, sababtoo waa xilliyada maskaxdaada aad tababari karto marka aad waxyaabo badan sameyneyso.

“Waxaan isku dari karaa tirada lambar kasta ee i dhaafa. Haddii aan qof la hadlaayo, waxaan xisaabin karaa inta goor ee qofkaasi uu ilbiriqsado,” ayuu yiri Bhanu.

‘Waxa ay soo jiidan kartaa dadka’

Muhiimadda Bhanu ma ahan oo kaliya inuu rekoor cusub dhigo, inkastoo u jecelyahay. Balse muhiimaddiisu ugu weyn waa inuu “ciribtiro cabsida laga qabo xisaabta”, Sababtoo dad badan waxay ka baqaan tirada.

🥇 for India at Mental Calculation World Championship, MSO 🇬🇧
4 World Records – Fastest Human Calculator
These are just titles. My vision is to eradicate math phobia in 🇮🇳 and with @expinfi I reached to over a 2L students this lockdown though a project. There's a long way to go pic.twitter.com/DVJSrUFoIN

— Neelakantha Bhanu Prakash J (@bhanuprakashjn) August 24, 2020

Waxa uu jabiyay afar rikoor, waalidiintiisuna aad ayay ugu faraxsan yihiin. Wuxuu qoyskiisa uga mahacelinayaa dhiragelinta ay siiyeen.

“Ka dib markii aan ku guuleystay billadeydii ugu horreysay oo caalami ahayd, adeerkey wuxuu igu dhirageliyay in aan isku dayo inaan sii siyaadiyo dadaalkeyga ku aaddan xisaabta si aan u noqdo qofka keliya ee dunida ku nool ee khabiir ku ah dhanka tirada.”

“Weligeey kumaan fikirin in aan noqon doono bin’aadamka u dhaksiyaha badan marka laga hadlayo xisaabta.”

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this