Sign in to follow this  
Deeq A.

QM oo walaac ka muujisay kiisaska cudurka Covid-19 ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaramada Midoobay ayaa muujisay walwal ay ka qabto kiisaska Cudurka Covid-19 ee Soomaaliya, oo lagu helay xaalado cusub baaristii ugu dambeeyay, waxaana sidaas ku sii kordhay diiwaangelinta maalinlaha inta lagu guda jiro Agoosto.

Xafiiska Isu dawidda Arrimaha Bani aadamnimada Qaramada Midoobay ee (OCHA) ayaa walaac ka muujiyay warbixinnadii ugu dambeeyay ee la diiwaangeliyay Isniinta oo shalay ahayd, dadaalka Dowladda iyo sida degmooyinka qaar wali cudurka uu dadka jirkooda ku jiro.

“Gudaha Jubbaland (Gobolka Koofureed), ma yaalaan qalab dadka ku filan, sida Hawo siiye iyo qalabka qofka siiya Neefta loo yaqaan Oxygen, Shaybaarka lagu baaro dadka iyo xarumaha dadka lagu karaantiilo ee Shaybaarka oo aan laga helin Degmooyinka go’oonka ku jira ee Ceelwaaq iyo Dhoobley” ayaa lagu yiri Warka Qaramada Midoobay.

Ugu dmabeyn OCHA ayaa soo jeedisay in wax laga badalo sida ay wax u socdaan, maadaama Puntland laga diiwaangeliyay in ka badan 400-ruux, halka ay dhinteen dad la diiwaangeliyay, waxaana ka badan shaqsiyaadka dhintay iyaga oo aan Baaris lagu sameyn ama lagu arkin calaamadaha cudurka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this