Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Danab oo weerar ku qaaday deegaanka Daaru-Salaam

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab uu ka dhacay gobolkaasi.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii ciidamada sida gaarka ah u tababaran ay gudaha galeen deegaanka Daaru-Salaam, xilli uu shir uga socday halkaasi saraakiil ka tirsan Xarakada Al-Shabaab, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan.

Taliyaha guutada 16-aad ee ciidamada Danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik oo u warramay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in dagaalkaasi ay dileen illaa 10 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sidoo kalena ay ku dhaawaceen tiro intaasi ka badan.

Maalin ayaa intaasi ku daray in haatan ay ku sugan yihiin gudaha Daaru-Salaam, islamarkaana ay saaareen dagaalyahanada Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa qeybo badan oo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this