Deeq A. Posted August 25, 2020 Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab uu ka dhacay gobolkaasi. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii ciidamada sida gaarka ah u tababaran ay gudaha galeen deegaanka Daaru-Salaam, xilli uu shir uga socday halkaasi saraakiil ka tirsan Xarakada Al-Shabaab, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan. Taliyaha guutada 16-aad ee ciidamada Danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik oo u warramay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in dagaalkaasi ay dileen illaa 10 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sidoo kalena ay ku dhaawaceen tiro intaasi ka badan. Maalin ayaa intaasi ku daray in haatan ay ku sugan yihiin gudaha Daaru-Salaam, islamarkaana ay saaareen dagaalyahanada Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa qeybo badan oo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose. View the full article Share this post Link to post Share on other sites