Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Turkiga oo gaadiid dagaal ku wareejisay Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
9-11.jpg?resize=800%2C476&ssl=1

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Talaado ah Dowladda Turkiga kala wareegtay gaadiid dagaal oo loogu tala-galay Ciidamada Miletariga Soomaaliya

Gaadiidkan oo gaaray illaa 12 baabuur waxaa loogu tala-galay in ay isticmaalaan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaan Gorgor sida ay sheegtay Dowladda Turkiga.

Baabuurtan ayaa ah kuwa loo adeegsado dhulka aad u adag waxaana loo isticmaali doonaa howl-gallada Miletari ee ka dhanka ah Ururka  Al-Shabaab.

Dowladda Turkiga waxay Soomaaliya kaa caawisaa dhinacyo dhowr ah oo ay ugu horrayso dhismaha ciidamada iyo Tababarkooda.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Turkiga oo gaadiid dagaal ku wareejisay Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this