Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxo hubeysan oo Nabadoon ku dilay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Kooxo hubeysan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay ay Nabadoon caan ahaa ku toogteen gudaha degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Sheekh Cali Maxamed Cismaan, waxaana lagu dilay xaafadda Siliga Ameerikaanka ee degmadaasi.

Nabadoonka lagu dhex-dilay xarun ganacsi oo uu ku lahaa xaafaddaasi, sida ay Idaacadda Shabelle u sheegaan ilo deegaanka ah.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa inay goobta isaga baxsadeen raggii ka dambeeyey falkaasi dilka ah, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga Somalia.

Dilkan ayaa qeyb ka noqonaya falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo maalmihii u dambeeyey ka dhacayey gudaha magaalada caasimadda ah ee Muwqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this