Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobay oo wal-wal hor leh ka muujisay xaaladda Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin ka soo baxday xafiiska isu dawidda arrimaha bani’aadanimada Qaramada Midoobay ee loo yaqaano (OCHA) ayaa waxaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan saameynta uu ku yeeshay cudurka faafa ee Coronavirus.

OCHA ayaa wal-wal hor leh ka muujisay xaaladihii ugu dambeeyey ee Covid-19, kuwaas oo shalay laga diiwaan-geliyey gudaha dalka.

Warbixinta ka soo baxday Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu sheegay in degmooyinka qaar aysan heysan qalab ku filan, sida hawo siiye iyo qalabka qofka siiya neefta  eeloo yaqaan Oxygen, Shaybaarka lagu baaro dadka iyo xarumaha dadka lagu karaantiilo.

“Gudaha Jubbaland (Gobolka Koofureed), ma yaalaan qalab dadka ku filan, sida Hawo siiye iyo qalabka qofka siiya Neefta loo yaqaan Oxygen, Shaybaarka lagu baaro dadka iyo xarumaha dadka lagu karaantiilo ee Shaybaarka oo aan laga helin Degmooyinka go’aanka ku jira ee Ceelwaaq iyo Dhoobley” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Qaramada Midoobay.

Sidoo kale OCHA ayaa shaacisay in loo baahan yahay in wax laga bedalo sida ay haatan wax u socdaan, kadib markii Puntland laga diiwaan-gelisay in ka badan 400 oo ruux.

Waxa kale oo warbixintan lagu sheegay inay jiraan shaqsiyaad badan oo dhintay, iyaga oo aan lagu saameyn baaris caafimaad ama aan lagu arkin astaamaha cudurka faafa ee Coronavirus.

Ugu dambeyn OCHA ayaa muujisay inuu yar-yahay dadaalka dowladda ee xakameynta cudurka saf-marka ah ee Covid-19 oo si weyn u saameeyey caalamka.

The post Qaramada Midoobay oo wal-wal hor leh ka muujisay xaaladda Somalia first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this