Sign in to follow this  
Deeq A.

Shacabka Imaaraadka Oo Billaabay Kacdoon Iyo Dibad-baxayo Ka Dhan Ah Xidhiidhka Lala Yeeshay Israa’iil

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Dubai)-Dibad-baxayaal cadheysan oo ku sugan dalka Imaaraadka Carabta, kuwaas oo kasoo horjeeda xidhiidhka dalkooda uu la sameystay Imaaraadka Carabta, ayaa aas-aasay urur iska caabin, sida ay werisay wakaaladda wararka ee Anadolu Agency.

Ururkan oo ay aas-aasen rag ka mid ah mucaaradka Imaaraadka Carabta oo ay ku jiraan Saeed Nasser Al-Taniji, Saeed Khadim Bin Touq Al-Mari, Ahmad Al-Shaybah, Hamid Abdullah Al-Nuaymi, Hamad Mohammed Al-Shamesi iyo Ibrahim Mahmoud Al-e Haram ayaa loogu magac-daray Midowga Iska-caabinta Caadiyeynta Xidhiidhka Israa’iil ee Imaaraadka Carabta.

Bayaan ay soo saareen ayey aas-aasayaasha ururka waxay isku dayga Imaaraadka Carabta uu xidhiidh kula yeeshay Israa’iil ku qeexeen “qiyaameyn qaran”, waxayna intaas ku dareen in tallaabooyinka ay sharciyeynayaan qabsashada Israel ee dhulalka Falastiiniyiinta.

13-kii August, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhowaaqay heshiis ay ka shaqeysay Washington oo dhex-maray Imaraaadka Carabta iyo Israa’iil.

Abu Dhabi ayaa sheegtay in heshiiska uu ahaa dadaal lagu baajinayey goosashada Daanta Galbeed ee ay Israa’iil qorsheysay, hase yeeshee dadka diidan heshiiska ayaa sheegay in caadiyeynta xidhiidhka laga shaqeynayey muddo sannado ah, ayada oo saraakiil Isra’aaliyiin ah ay booqanayeen Imaraaadka, kana qeyb galayeen shirar.

Netanyahu ayaa toddobaadkii tegay shaaciyey in goosashada Daanta Galbeed aysan weli meesha ka bixin, taasi oo burineysa sheegashada Imaaraadka Carabta.

Ururka cusub ee la sameeyey ayaa ujeedkiisa uu yahay inay matalaa shacabka Imaaraadka Carabta ee diidan xidhiidhka Israa’iil, sarena u qaadaan ka warqabka halista xidhiidhka, lana taageeto qadiyadda Falastiiniyiinta.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this