Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal Beeleed Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Garasle)-Wararka aan ka helayno degaanka Garasle ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay dagaal Khasaare dhimasho iyo dhawaac leh oo u dhexeeya laba beelood oo halkaas dega.

Waxaa la sheegayaa in dagaalka oo muddo saacado ah qaatay uu hal qof ku dhintay waxaana lasoo sheegayaa in tiro kale ku dhaawacmeen.

Waxaa adag in la helo xogta ku aaddan dagaalka maaddaama isgaadhsiinta degaanka Garasle ay go’antahay, waxaana wararku sheegayaan in mar kale uu dagaal qarxi karo, iyadoo maleeyshiyaadka labada dhinac ay is hor fadhiyaan.

Maamulka Degaanka ayaa la shegay in ay ciidan u direen si loo loo joojiyo dagaalka, balse wali si toos ah loom kala dhex galin labada dhinac ee dagalamaya, waxaana wali socda hub aruursi ay wadaan beelaha ee dagaalamaya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this