Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha hay’adda Nisa oo la kulmay Xasan Sheekh Maxamuud

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha hay’adda NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay Madaxweynihii hore ee dalka, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka oo saacado badan qaatay, islamarkaana uu albaabada u xirnaa ayaa waxaa diirada lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo sidii ay wada-shaqeyn buuxda u yeelan lahaayeen dowladda federaalka iyo xisbiyada mucaaradka ee ka jira dalka.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday arrimo ku aadan magacaabista Ra’iisul wasaaraha cusub iyo sida loo wajahayo, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Fahad Yaasiin oo ah nin galan-gal xoogan ku leh dowladda, islamarkaana saaxiib la’ah Madaxweynaha Soomaaliya uu maanta la kulmi doono Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Kulamadan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dalka uu ku jiro xilli kala guur ah iyo marxalad adag, kadib markii shirkii Dhuusamareeb 3 lagu shaaciyey nooca doorasho ee la qabanayo.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this