Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Danab oo saldhig cusub ka sameystay Jowhar

Recommended Posts

Deeq A.   

Iyadoo inta badan gobolada dalka ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wadaan ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayey saldhig cusub ka sameeysteen magaalada Jowhar ee Gobolka Sh/ Dhexe, islamarkaana ah caasimadda HirShabelle.

Taliyaha guutada 16-aad Kumaandooska Xoogga Dalka Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin oo lahadlay Iwarbaahinta ayaa sheegay saldhiggan ciidanka Danab ay ka sameeysteen magaalada Jowhar ay ugu talagaleen in lagu dardar galiyo howlgallada Al-Shabaab looga saarayo gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

“Ciidanka Kumaandooska waxay xarumo ku leeyihiin Juballand, Koonfur Galbeed, Galmudug, haddana HirShabelle ayay ka sameeysteen dhowaan waxaan dalka oo dhan ay ka xoreeyn doonaa Al-Shabaab ee dhibaatada ku heysa shacabka Soomaaliyeed”. ayuu yiri Taliye Ismaaciil.

Ugu dambeyn taliyaha ayaa xusay in ciidanka Danab ay howlgallo ka fuliyeen inta u dhexeysa Jowhar iyo Muqdisho, halkaasi oo ay dhibaato ku qabaan shacabka iyo gaadiidka labada dhinac isaga kala gooshta, waxaana uu intaa ku daray inay ciidanka ay cagta mariyeen jidgooyooyin lagu dhibaateynayay shacabka, wadanuna ay ka saaraan miinooyin.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

10-9-1024x518.jpg 9-12-1024x526.jpg 8-13-1024x526.jpg 7-12-1024x503.jpg 6-14-1024x519.jpg 5-16-1024x512.jpg 4-20-1024x520.jpg 3-18-1024x524.jpg 2-20-1024x525.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this