Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhiro: Wararkii ugu dambeeyey ee magacaabida Ra’iisul wasaaraha cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa maanta ku eg waqtiga 30-ka maalmood ah ee uu Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed(Farmaajo) siinayo dastuurka, si uu u soo magacaabo Ra’iisul wasaaraha cusub ee  dalka, balse illaa hadda ma muuqato in lagu soo magacaabi doono mudaddaas.

Xukuumaddii Xasan Cali Khayre waxa la riday 25-kii bishii July ee sanadkaan, waxaana xukumadda haatan jirta ay sii heysaa xilka.

Madaxweynaha Soomaaliya oo haatan magacaabida ay ku qaadatay muddo 30 cisho ah ayaa laga yaabaa inuu baarlamanka wey-diisto waqti dheeri ah, sida ay sheegayaaan ilo-wareedyo ka tirsan Villa Soomaaliya.

Wararka haatan inaga soo gaaraya Madaxtooyada ayaa sheegaya in laga dareemayo dhaq dhaqaaqyadii ugu dambeeyey ee magacaabida Ra’iisul wasaaraha dalka.

Sida aan xogta ku helnay, Madaxweynaha ayaa qorsheynaya inuu Ra’iisul wasaaraha magacaabo marka heshiis buuxa laga gaaro arrimaha doorashooyinka dalka, Inkasta oo heshiis lagu soo gaaray shirkii Dhuusamareeb 3, haddana waxaa weli heshiiskaas qeyb ka ahayn maamullada Puntland iyo Jubaland.

Ma cadda sababta uu Madaxweynaha magacaabista Ra’iisul wasaaraha ula sugayo arrimaha doorashooyinka, hase‘yeeshee waxaa la rumeysan yahay inay tahay isku day uu ku xaqiijinayo in Ra’iisul wasaaraha cusub aanu wax kaalin ah ku yeelan go’aan ka gaarista arrimaha doorashada.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa raadinaya qof madax uga noqda ololahiisa doorashada sida ay  qaban  dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda dalka .

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this