Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Jubaland oo Garoowe lagu soo dhoweeyay

Recommended Posts

Deeq A.   
5-10.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam iyo Wefdi uu hoggaaminayo, ayaa Maanta oo Isniin ah soo gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe kusoo dhoweeyay Madaxweynaha  Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wefdigiisa.

Soo dhoweynta waxaa ka qeybgalay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl iyo Labadiisa Guddoomiye ku-xigeen Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Ismaaciil Maxamed Warsame, Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole, Goleyaasha Dowladda Puntland, Maamulka Gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, Saraakiil Ciidan, Haweenka Gobolka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Socdaalka Madaxweynaha Jubaland ee Garoowe, ayaa la xiriira Shirka Wada-tashi oo ay Puntland iyo Jubaland ka yeelan doonaan Xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaanna Arrimaha Doorashada soo socota.

1-28.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 5-10.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 2-18.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 3-14.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 6-8.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 9-9.jpg?resize=1000%2C806&ssl=1 7-8.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 8-8.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 4-12.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Jubaland oo Garoowe lagu soo dhoweeyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this