Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo baaq deg deg ah ka soo saartay Dagaal beeleed ka dhacay Gobolka Sool

Recommended Posts

Deeq A.   

Ku simaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Axmed Karaash, ayaa baaq nabadeed u diray laba beelood oo shalay ku dagaallamay Degaanka Lafweyne oo ka tirsan Degmada Xuddun ee Gobolka Sool.

Mudane Axmed Karaash, ayaa ugu baaqay labada in ay si deg dega oo shuruud la’aan ah ku joojiyaan Dagaalka, islamarkaana ay nabad iyo walaalnimo ku beddelaan colaadda dhexdooda ka aloosan.

Dhinaca kale,  wuxuu bogaadiyay heshiis nabadeed oo laga gaaray colaaddii ka dhacday Degaanka Horufadhi ee Gobolka Sool, taasi oo ay ku guulayteen Isimada dhaqanka Gobolkaas.

Madaxweyne ku xigeenku, wuxuu sidoo kale ilaahay caafimaad deg deg ah uga baryay lab aka tirsan Isimada Gobolka Sool ee soo xalliyay Colaaddii Horufadhi oo shalay shil gaari galay.

Hoos ka daawo Muuqaalka

PUNTLAND POST

The post Puntland oo baaq deg deg ah ka soo saartay Dagaal beeleed ka dhacay Gobolka Sool appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this