Sign in to follow this  
Deeq A.

MW Farmaajo Oo Dhambaal Tacsi Ah U Diray Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga tacsiyeeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdirixmaan geerida ku timid -Alle ha u naxariistee- Adeerkii Sheekh Cusmaan Sheekh Cabdirixmaan oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa Alle u weydiiyey Marxuumka in uu hooygiisa ka yeelo Janatul Firdowsa, Samir iyo iimaanna uu ka siiyo dhammaan ehelada, qoyska iyo qarabaada uu ka tagay.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan idinla qeybsanayaa murugada geerida Adeer Sheekh Cusmaan Sheekh Cabdirixmaan oo Muqdisho ku geeriyooday. Waxaan dhammaan ehelada iyo qoyska uu ka tagay Alle uga baryayaa in uu Samir iyo iimaan idin ka siiyo, gaar ahaan Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh. Marxuumka Alle ha u danbi dhaafo, hooygiisana haka yeelo Jannatul Firdows.”

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this