Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey weerar safmareen ah oo ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weeraro saf-mareen ah oo loo adeegsaday bam-gacmeedyo oo xalay lagu weeraray illaa 10 degmo oo ku yaalla gobolkan Banaadir.

Weeraradan oo xilli isku mid ah dhacay ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay geysteen khasaare u badan dhaawacyo.

Xarumaha degmooyinka ee la weeraray ayaa waxay kala yihiin Dharkenley, Wadajir, Waabari, Boondheere, Shibis,Yaaqshiid, Kaaraan, Dayniile iyo deegaanka Garasbaaley.

Afhaayeenka gobolka Banaadir, Saalax Xasan Cumar oo u warramay Shabelle ayaa ka warbixiyey qaraxyadaasi, wuxuuna xaqiijiyey inay ku dhaawacmeen illaa afar ruux oo uu mid ka mid ah yahay askari, halka 3 kalena ay yihiin shacab.

Sidoo kale afhayeenka ayaa shaaciyey in gacanta lagu dhigay illaa laba ruux oo uu sheegay in lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen weeraradaasi.

Xaaladda Muqdisho ayaa saaka degan, balse ciidamada dowladda ayaa lagu soo warramayaa in xalay illaa saaka ay wadaan howl-gallo lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyey weeraradaasi saf-mareenka ah ee lo adeegsaday bam-gacmeedyada.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this