Sign in to follow this  
BOB

Socdaalkii Geerida.

Recommended Posts

BOB   

Part 23:

 

 

1 July (Kafra) Duleedkeeda!

 

 

Saacaddu markey ahayd 11 subaxnimo ayaa gaarigii annaga na wadey soo galay magaalada Kafra ee xadka Liibiya ku taal, si toosana nalooma soo geline, meel duleedka magaalada ah, oo beera ah, ayaa nala ku shubay, labadii gaari oo kalena casarkii ayey nasoo gaareen anagoo degney, halkaas ayaa dadkii daawooyin iyo faleebooyin iyo baxnaano lacagtooda ah lagu bilaabay.

 

 

Waxaanu nahay dad sidii xoolihii oo kale loo wado, oo meeshii la rabo lagu xeraynayo, ma dhaqaaqi karno, meel ma naqaan, waa beqeynaa, halkii ayaa nala dejiyey, oo la leeyahay, halkan ayaad joogeysaan ayaamo, inta Bani Qazi iyo Daraabulus laydiin qaadayo.

 

 

Waxaanu isugu sheekayneyney markii loo fiirsho waxaanu soo marnay in hawshayadu soo dhamaatay, laakiin wax badan ayaa soo baxay…

 

 

1 July iyo Beerta (Kafra) Liibiya:

 

 

Alxamdulilaah Safartii aan kasoo bilawnay 20 May Khartuum, nalookuna sheegay (Kafra) Liibiya inaanu ku gaari doono asbuuc ilaa 10 cisho, wexey nagu soo qaadatay 41 cisho, oo aan qayb ka mida wixii aanu soo marnay Socdaalkii Geerida idiinka soo sheekeeyey, haddaanu manta intayadii aan dhiman (Kafra) Liibiya soo gaarney waa ilaahay mahaddiis.

 

Waxaanu ahayn 49 Soomaali ah, 12 ayaa wadada nooga dhimatay, 11 wiil iyo gabadh, wiilna jidkaa looga soo kacay, waxaanu halkaan kusoo gaadhney 36 Soomaali ah.

 

 

Dadka qaar ayaa baxnaano dheer u baahan, qaarna faleebooyin ayaa la suray, qaar daawooyin ayey soo gadanayaan, qaar cuntada iyo biyaha oo meeshan laga helayo ayey isku baananayaan. 12 maalmood ayaanu goobtaas dadka lagu tahriibiyo ee magaalada duleedkeedaa joogney. Nimanka nala wareegey oo muharibiintaa kuwii hore wey ka duwan yihiin.

 

 

DAD SIDII XOOLA LOO KALA GADANAYO! ILEEN ADDONSIGU SIDAAN AYUU KU IMAN JIREY!

 

 

Inta aanan wadada tahriibka soo marin ma fahmi kari jirin, side qof xor ahaa, adoon nima u geli karaa. Bani aadamka manta jooga iyo kii quruumihii hore joogey waa isla bani aadamkii.

 

 

Qofku markii awoodu ka dhamaato, tabar uu waayo, meel uu ciirsi bidayana waayo, sidii qof indhala meel uu aado aanu garanayn, wuu is dhiibayaa. Qoolka adoonsiga si sahlan ayuu u qabatiimayaa.

 

 

Waxaan la yaabi jirey: Sidee qof xor ahaa, inta dad dhacaan, suuqyada uga gadanayaan. Sida aan arkeynu oo sheekadaan aan ku aragnay ama aan ku arki doono, qofku siyaaba kala duwan ayuu adoonsi toosa ama dadban u gelayaa, una noqonayaa sida badeecada iyo alaabta la kala iibsado.

 

 

Ma Jiraan Soomaali Illaa Hadda Xuduudaha Suudaan iyo Liibiya Lagu Adoonsado?!

 

 

Walaalayaal jawaabta Su’aashaas qadhaadh waa haa! Wey jiraan dad ilaa iyo hadda lagu haysto meelahaas saxaraha agagaarkeeda oo ariga la raacsado ama beera lagu fasho ama dumar ilmo badan lagaga dhalay oo lagu haysto!!haddaad rumaysan karto iyo haddaadan rumaysan karinba!

 

 

Yaa dadkaan ugu wacan dhibaatooyinkaas ay marayaan? Waa arrin falanqayn u baahan si loo xadido sida masuuliyadda dhibaatooyinkaan naxdinta leh loo kala qaybsanayo, qofka laftiisa, ehelkiisa iyo Bulshada guud ahaaneed.

 

 

Waxaanse la inkiri Karin iney noqoneyso masuuliyad la wadaago. Marka ugu horreysana qofku isagaa ficilkiisa iyo go’aamadiisa ka masuul ah, waxaa kaloo la wadaaga ehelada iyo asxaabta u sahasha ama ku dhiiri gelisa, waxaa kaloo qayb ka ah, dadka dalkii ay dadkaanu kasoo bara keceen inuu salka dhigo u diidan oo intey talada ku loolamayeen, ummaddii ka dhigay in dhimatay, in dhaawaca, in qaxday, in badaha iyo berriga ku rafaadday iyagoo nolol raadis ah.

 

 

Nolosha Beerta Muharibiinta Kafra!

 

 

Nimanka nala wareegey waa kuwo kale, laakiin wey isku xiran yihiin iyaga iyo kuwa suudaan iyo kuwa Daraabulis Libya jooga, iyo wadada u dhexeysa. Heshiiskii hore wuxuu ahaa, lacagtii nala kasoo qaaday in Daraabulis nala ku geynayo. Laakiin lacagtii aan bixinay waxaa noo dheerayd baaddii dhawrka jeer nala ka qaaday ee aan kasoo sheekeeyey.

 

Meeshani waa meel beer ah, geedaha hoostooda ayaanu ku noolnahay, buulal iyo jiingada yar yar ayey leedahay. Berked yar oo biyaha laga cabo ayaa jirta. Dadka bariis qalalan ayaa loo kariyaa. Qofkii lacagtiisa wax u dirsanaya magaalada wuu heli karaa. Biyuhu cariiri nagagama jiraan.

 

 

Waa meel dadka lagu soo dejiyo lagana sii raro (Transit Station). Waxaa muuqata kumanaan dada iney soo mareen sanadihii u dambeysey, oo muharibiintu ay Soomaalida shaqa badan ka qabsadeen. Maadaama aan dadka turjumaan u ahaa, qoladan cusubina turjumaan ayey iga dhigteen, sidaa darteed xoogaa micaamil gaara ayaan helaa. Bakhaarkii cuntada qalalan u taaleyna waa la ii dhiibey.

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this