Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha caalamka oo walaac ka muujisay isku day uu wado golaha shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobey iyo xubnaha kale ee beesha Caalamka ee taageera Soomaaliya ayaa walaac xoogan ka muujiyay isku day ay sheegeen in baarlamaanka Soomaaliya lagu horgeynayo hindise sharciyeed “qaladaad badan leh” oo ku saabsan dambiyada galmada.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa shaki badan ka muujiyay sax ahaanshaha hindise sharciyeedkaas, oo baarlamanka uu maanta diiday inuu ka doodo, kaasi oo ay ku sheegen inuu ogolanaayo guurka caruurta, kana hor imanaya heshiisyada caalamiga ah.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu xusay inay u gudbiyeen Gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal walaaca ay arirntan ka qabaan.

“Qaramada Midoobay iyo saaxiibadeeda kale ee Soomaaliya ayaa guddoomiye Golaha Shacabka Maxamed Mursal u muujiyey walaaca ay ka qabaan isku deyga miiska lagu soo saaray sharci cusub qaladaad badan leh, kaas oo oggolaanaya guurka carruurta, kana hor imaanaya heshiisyada caalamiga ah ee arrintaasi la xiriira,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska QM oo ay ku baahisay barteeda Twitter-ka.

Waxa kale oo lagu yiri qoraalkaasi “Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa uu ku boorinaya golaha wasiirrada dalka in ay dib usoo celiyaan Hindise-sharciyeedka Dembiyada Galmada ee Asalka ah”.

Walaaca Qaramada Midoobay  ayaa kusoo aadaya xili ay maanta diideen Xildhibaanada Golaha Shacabku ansixinta Ajendaha kulanka maanta oo lagu sheegay inuu ahaa Mashruuc sharci oo ah akhrinta Koowaad ee Hindise sharciyeedka Dambiyada la xiriira Galmada.

Waxaana kulankii maanta ee golaha ka dhashay buuq badan oo looga soo horjeedo hindise sharciyeedkasi, oo ay xildhibaanada qaarkood ay meel adag iska taageen arrintaasi oo ay sheegen inuu ka hor imanayo Diinta Islaamka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this