Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo soo saaray digniin ku aadan Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay digniin hor leh oo muwaadiniinteeda ay uga mamnuuceyso inay u safraan Soomaaliya iyo Kenya.

War kooban oo ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Kenya ayaa waxaa lagu sheegay inay kordheen dambiyada abaabulan ee la xiriira argagixisanimada.

Sidoo kale waxa ay safaaraddu muwaadiniinta Mareykanka uga digtay inay tegaan gobollada ku yaalla xuduuda dheer ee u dhexeysa wadamada Soomaaliya iyo Kenya.

“Sababo la xiriira argagixisanimada awgeed, shaqaalaha dowladda Mareykanka ayaa laga mamnuucay inay u safraan gobollada xudduudda Kenya iyo Soomaaliya iyo meelaha xeebaha qaarkood.” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda Maraykanka ee Kenya.

Safaaradda ayaa sidoo kale shaacisay inay kordheen falalka la xiriira afduubka ay geysanayaan kooxaha hubeysan ee ka tirsan Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka ka qeyb qaata dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah Al-Shabaab ay ka fulisa dalalka Soomaaliya iyo Kenya, kuwaas oo geysta khasaare kala duwan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this