Sign in to follow this  
Deeq A.

BF oo diiday hindise sharciyeed ka hor imaanayo Diinta Islaamka

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ayaa diiday ansixinta ajandaha maanta oo ahaa mashruuc sharci oo ah akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedka dambiyada la xiriira Galmada.

Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka oo kulanka ka hadlay ayaa ka horyimid hindise sharciyeedkaasi, waxaana ay sheegeen inuu ka hor imaanayo Diinta Islaamka.

Sidoo kale waxa ay soo jeediyeen xildhibaanada kulanka ka hadlay in ka hor inta aan la marsiin akhrinta koowaad loo baahan yahay in wax ka bedal lagu sameeyo.

 

Intaasi ka dib xildhibaanada ayaa soo jeediyey in laga doodo arrimaha doorashooyinka ee la filayo inay dhacaan dhammaadka sanadkan 2020 illaa sanadka xiga ee 2021-ka.

Golaha Shacabka oo ku jira kalfadhigiisii ugu dambeeyey ayaa wada ka doodista sharciyo muhiim ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this