Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaalyahanada Al-Shabaab oo weerar culus ka fuliyey Luuq

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar saf-ballaaran ah oo dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhiyo ciidan oo ku yaalla gobolka Gedo.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu eekeeyey saldhigyo ay degmada Luuq ku leeyihiin ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda ka howl-gala halkaasi.

Ugu yaraan hal askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda ayaa ku dhintay weerarka, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka.

Xaaladda ayaa hadda degan, balse waxaa goobihii lagu diriray ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee qeybta ah howl-galka AMISOM ee ka socda Soomaaliya.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this