Sign in to follow this  
Deeq A.

XOG: Yuu ahaa bartilmaameedka qaraxii ismiidaaminta ee maanta ka dhacay Muqdisho?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraya macluumaadka laga helayo qarax is-miidaamin ahaa oo barqanimadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan afaafka hore xero ciidan oo ku taalla agagaarka garoonka Stadium Muqdisho.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa waxaa fuliyey ruux naftiis halige ah, kaas oo beegsaday xero ay leeyihiin milatariga Soomaaliya.

Illaa 10 qof ayaa ku dhintay qaraxan oo isugu jira askar iyo shacab, halka ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 20 kale, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Xerada la weeraray ayaa waxaa degan taliska 12-ka April ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, waana halka laga hago howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ciidamadaasi ka fuliyaan gobollada dhaca koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online bartilmaameedka weerarkan loo adeegsaday qaraxa ayaa ahaa mid lala damacsanaa taliyaha ciidamada guutada 27-aad ee April Genaraal Maxamed Axmed Tareedisho oo la sheegay inuu ku wajahnaa xerada inta uusan dhicin qaraxa, waxaana la soo wariyey inuu ku dhintay darawalkii waday gaarigiisa.

Sidoo kale wuxuu dhaawac halis ah soo gaaray taliyaha xerada la weeraray oo lagu magacaabo, Xasan Maxamuud Garaad (Xasan Dhuux), sida aan xogta ku helnay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxaan oo si weyn jugtiisa looga maqlay xaafado dhowr ah oo ka tirsan magaalada Muqdisho, waxaana ay shaacisay inay rabtay inay ku wiidqo awooda qeybta 27-aad ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Si kastaba ha’ahaatee 13-kii bishii hore ee July ayey aheyd markii qarax kan la mid ah uu ka bad-baaday taliyaha ciidamada Xoogga dalka, Odowaa Yuusuf Raage, kaas oo ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoyska Tarabuunka iyo Isbitaalka Xoogga ee Degmada Hodan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this