Sign in to follow this  
Deeq A.

In ka badan 20 ruux oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Qarax ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Inta la xaqiijiyay 8 ruux ayaa ku dhintay 14 kalena waa ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ah oo Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo loo adeegsaday Gaari miinaysan ayaa lagu weeraray Xero ciidan oo ku taalla nawaaxiga Garoonka Kubadda Cagta Studium Muqdisho sida laga soo xigtay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Qaraxa ayaa sababay burbur hantiyeed oo gaaray dhismaha Xerada la weeraray.

Ururka Al-shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda Qaraxa ayaa tilmaamay in ay halkaas ku dileen ilaa 9 qof inkastoo aysan faahfaahin dheeriya ka sii bixin.

PUNTLAND POST

The post In ka badan 20 ruux oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Qarax ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this